Sawirro: Farmaajo & Karaash oo Baydhabo ku kulmay

18 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Baydhabo kula kumay madaxweyne ku xigeenka dowada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu kullan la qaatay xubo kale oo katirsn madaxda maamul goboleedyada oo kala ah Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galmudug laakiin hadda sheegta kuxigeenta garabka Cadaado iyo madaxweynaha Hirshabeelle.

Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku balan qaaday in uu xoojin doono wadashaqeeynta madaxda maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Baydhabo ayaa waxaa ka dhacday xaflad lagu caleema saarayo madaxweyne cusub ee Koonfur Galbeed Lafta Gareen, waxaana kasoo qayb galay wafidi ka socday Puntland iyo Hirshabeelle, waxaa kaloo lagu casuumay Carabeey.

Waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha GalMudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  aanay ka qeeybgalin xafladii caleemasaarka ee Baydhabo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa markuu u duulayey Baydhabo shaaciyey in safarka isaga iyo gudoomiyaha golaha wakiilada uusan la mid ahayn safarkii dawladdii ka horaysay, laakiin waxaa xusid mudan inuu ka tirsanaa dawladdii ka horaysay aanna la aqoon sababta uu hadlakaas u yiri.

Madaxweyne Deni wali masoo dhisin golhiisa wasiirada,ayaa Axmed Karaash u diray caleemasaarka Lafta Gareen oo madaxweynenimadiisa ay salfatay nafta 15 qof halka ay ku dhaacmeen dad aad u badan qaar kalena lagu xirxiray.

Lafta Gareen waxaa kursiga ay dawladda Federaalku ku keentay dhiig badan mana ahayn inay dawladda Puntland dhiigaas xafladisa ka qayb gasho.

CARABEY-GII CADAADO

Galmudug waxay leedahay madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen waxay na ku sugan yihiin Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareen in dawladdii ay ahayd inay dadka u dahaxayso ay soo casuumato Carabeey oo kal hore xilka laga qaaday waxay baal marsan tahay wixii lagu heshiiyey.

Dawladda Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Deni ma waxay aqoonsatay oo la safatay kooxdii Cadaado ku xabisnaa oo ay dawladda Federaalku dhashay? Waa qalad kii waynaa oo ay galaan arinati.

Puntlandes.com

About The Author