Ethiopian Airline oo hakisay duulimaadkaadii Muqdisho sabab?

21 Jan 2019 (Puntlandes) Faah faahin ayaa ka soo baxaya Nin Ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo boorsadiisa laga helay walxo qarxa, xilli uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines.

Ninkan ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Koofur Afrika, waxaana boorso uu watay laga helay Gaaska qarxa.

Ciidamada Ammaanka Garoonka ayaa ninkan gacanta ku dhigay, waxaana markii dambe la wareegay Ciidamo Ajnabi ah oo Garoonka ku sugan.

Diyaaradda Ethipian Airlines ayaa si KMG ah u hakisay baajisay duulimaadkeeda Muqdisho, sababo la xiriira ninka ka midka ahaa rakaabka diyaaradda ee boorsadiisa laga helay walxaha Gaaska qarxa.

Ilo ku dhow dhow Garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in Maamulka Shirkadda ay soo weydiisatay Maamulka Garoonka Muqdisho inay faah faahiso ninka watay walxaha qarxa ee la qabtay sababtiisa iyo waxa uu damacsanaa, inkastoo ninkaas gacanta ugu jiro ciidamo aan aheyn kuwa Ammaanka Soomaaliya.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeeda Muqdisho bilowday bishii November ee sanadkii hora ayaa isbuucii timaadaa afar jeer maalmaha Sabti, Isniin, Arbaco iyo Jimco.

Puntlandes.com

About The Author