Hubkii lagu weerartay Hotel Dusit oo noqday kuwo Dowlada Soomaaliya soo iibsatay

21 Jan 2019 (Puntlandes) Dowlada Kenya oo wada baaritaano dhinacyo badan ah oo la xiriira weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday dhismaha Dusit ee magaalada Nairobi ayaa waxaa la xaqiijiyay in saddex ka mid ah qoryihii ay isticmaalayeen dableyda weerarka geysatay ay ahaayeen kuwo ay dowlada federalka Soomaaliya ka soo iibsatay dibadda.

Sida uu daabacay mid kamid  ah warbaahinta Kenya Daily Nation waxaa ay ciidamada Kenya gacanta ku hayaan shan qori oo ay isticmaalayeen dableydii gudaha u gashay hotelka DusitD2, lana ogaaday in saddex ka mid ah oo laga tirtiray sumada ama lambarka qoriga ay yihiin kuwo la mid ah kuwa ay isticmaalaan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Hase yeeshee labada qori ee kale oo ay wateen dableydii weerartay Nairobi toddobaadkii hore ayaan la xaqiijin halka ay ka heleen ururka Alshabaab.

“Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga helay  14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda  ‘SO’ oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu daabacay wargeyska DailyNation.

Qoryaha AK-47 ee laga helay Dhismaha 14 Riverside ayaa la rumeysan yahay in haweeney aan la garanayn ay soo gelisay gudaha dalka Kenya.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa bishii November ee sanadkii hore waxa uu ka digey in hubka ay Dowlada Soomaaliya soo iibsato ay u gacan galaan kooxaha ka soo horjeeda.

Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in shan qori oo AK ah oo lagu qabtay howlgalo laga sameeyay gudaha dalka Kenya labo ka mid  ah ay ahaayeen hub ay dowlada Soomaaliya soo iibsatay sanadkii 2013 kadib markii qeyb ahaan laga qaaday cunoqabataynta ganacsiga.

Puntlandes.com

About The Author