Garowe oo ay ku kulmayaan Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaal hore, Madaxda dowlad goboleedyada & Mucaaradka

22 Jan 2019 (Puntlandes) Munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee dawladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa waxaa isku arki doono wejiyo kala duwan oo isugu jira Madaxdii hore, Madaxda hadda, mucaaradka iyo madaxweynayaasha dawlad goboleedyada dalka, kuwaasoo xilligan u dhaxeeya kala aragti duwanaan siyaasadeed oo aad u kala fog.

Munaasabadda oo la qorsheeyay inay dhacdo 26-ka bishan Janaayo oo ku beegan sabtida soo socota ayaa waxaa lagu casuubay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee kala ah Xasan Sheekh, Shariif Sheekh, Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur,Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Galmudug Xaaf iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta Gareen

Sidoo kale waxaa kaloo ka qayb galaya Madaxweynaha dowladda Federaalka Farmaajo, iyadoo ay wafdi horudhac ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Senator ay qeybtooda ugu horeysa tagi doonaan Khamiista soo socota.

Madaxdan la casuumay ayaa hoggaamiye ka ah Xisbiyo Siyaasadeed oo han uga jira xilalka ugu sareeya dalka, kuwaasoo maalmaha soo socda tagi doona magaalada Garowe.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa si aad ah u hadal haya Madaxda kala aragtida duwan ee xilligan isku haya siyaasadda Soomaaliya in markii u horeysay hal meel ku wada kulmi doonaan, taas oo ah horumar dhanka siyaasadda ah.

Puntlandes.com

About The Author