Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu yahay Musharax Madaxweyne doorashada 2020

24 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u sheegay wargeys ka soo baxa dalka Kenya inuu mar kale u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ahaa Madaxweynihii dowladii kumeelgaarka aheyd intii u dhexeysay 2009-2011,waxana uu sheegay inuu doonayo in uu dib abuuro Soomaali mideysan oo awood leh.

“Awood la’aanta dowlada hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay inaan markale siyaasadda ku soo laabto.”ayuu u sheegay wargeyska Standard Digital Shariif Sheekh Axmed.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Standard ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku sheegay in xilligii uu hayay talada dalka Soomaaliya uu ku guuleystay dagaalkii lagula jirey Alshabaab balse markii uu kursiga baneeyay ay awoodii Alshabaab dib u soo laabatay.

“Xilligii aan Madaxweynaha ahaa waxaan ku guuleystey inaan dib u soo celiyo amaankii Soomaaliya wadankana waan mideynay.”ayuu yiri Sheekh Shariif toddobaad kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerareen dhisme ku yaal magaalada Nairobi.

“Waxaan dadaal u geli doonaa sidii beesha caalamka ay qeyb uga qaadan lahayd xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya.”ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa labo bil ka hor ugu dhowaaqay xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiye u yahay.

“Waxaan cadeynayaa inaan calanka u qaadi doono xisbiga Himilo Qaran doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wargeyska Standard ayaa daabacay in kahor intaan loogaga guuleysan doorashada uu Sheekh Shariif dad badan aaminsanaayeen inuu yahay “Aabaha Soomaalida Cusub” maadama uu horseede u noqday dal muddo labaatan sano burbursanaa uuna noqday hogaamiyihii Maxkamada Islaamiga.

Xilligii uu hogaanka dalka hayay ayay dowladii uu hogaaminayay ee ahayd mid kumeel gaar ah waxa ay ku guuleysatay inay ka saarto Al-Shabaab caasimada dalka ee Muqdisho iyo deegaanada u dhow dhow iyadoo kaalmo laga helayay ciidamada Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa lagu xusuusta maamulkii Sheekh Shariif oo ahaa Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya in ay horumarisay dastuurkii dalka isla markaana la abuuray ciidamo Boolis,Milatari iyo Maxkamado.

Puntlandes.com21 Jan 2019 (Puntlandes)

About The Author