Daawo sawirrada Xafladdii Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland

Caleema Saarka Madaxweynaha dowladda Puntlad Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxda kale ee cusub ee dowladda Puntland ayaa 26 January 2019 ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Soomaaliya.

 

Caleema Saarka taarikhiga ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha shacabka Soomaaliya, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, iyo Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Madaxweyneyaasha dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya,

 

Madaxweyneyaashii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ahna Xildhibaan Aqalka Sare ah, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, siyaasiyiin ka socda beesha caalamka, Safiiro, isimo nabadoono, qaar ka mid ah shacabka Puntland iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweynaha dowladda fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xafladda caleema saarka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxda kaleba, Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxda cusub ee Puntland, waxaana uu xusay in Puntland tahay hoyga dimuquraadiyadda, kala danbaynta iyo tusaalaha horumarka ee Soomaaliya.

 

“Madaxweyne hambalyo waxaan kuugu hambaynyeynayaa guushaada, waxaan Alle ka baryaynaa inuu ku fududeeyo hawsha, hawshani ma aha hawl-sahlan, waa xaqiiqa ah Puntland waxay gaartey guul aad iyo aad loo taaban karo oo waxaa isku soo wareejiyey xilka 6 Madaxweyne, dhismaha dowladnimo wuxuu ku yimid shaqo badan iyo hawl badan oo ay qabteen salaadiinteedu, shacabka Puntlad, ganacsatada, warbaahinta iyo ciidamadaba aad ayaan ugu mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay u garabtaagan yihiin dowladdooda” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa bogaaadiyey masuulkasta oo ka soo ajiibay, kana soo qayb galay xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu waxbadan ka shaqayndoono horumarka Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu soo bandhigay qorshayaal wax ku ool ah oo uu wax ka qabandoono shanta sano ee soo socota.

 

“ Waxaan dhammaantiin idiinka mahadnaqayaa soo ajiibista marti qaadka aan idiin fidinay, farxad ayaay nootahay inaad shacabka Puntland la qaybsataan dabaaldegga isbedelka cusub, Puntland waxaa loo aasaasay xoojinta midnimada Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dowladnimo Soomaaliyeed, waa doorashadii shanaad oo lix Madaxweyne ay si xor ah oo xalaal ah xilka isugu dhibaan waxay muujinaysaa bisayl iyo dimuquraadiyad, Puntland waxay dhisatay maamul u gaar ah oo ay ku doonayso dhismihii Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland,

 

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay inuu la shaqayndoono dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoon duudsiinayn Puntland xaquuqdeeda ay leedahay, Madaxweyne Deni ayaa dhinaca kale suntay inuu Puntland ka hirgelindoono horumar taabagal ah oo shansano kadib laxusidoono.

 

“Waxaad dhammaantiin la wada Socotaan in Puntland ka geysatay gacanweyn helidda dowlad Fadaraali ah, waxaan u mahadcelinaynaa madaxdii naga horeysey iyo aasaasayaashii Puntland oo iyagu ka shaqeeyey arrimahaasi, waan la shaqyandoonaa dowladda hadda jirta anagoon Puntland duudsiinayn xaquuqdeeda” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

Ugu danbeyntii dhammaan masuuliyiinta kasoo qayb gashay caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin mugle u jeediyey shacabka iyo dowladda cusubba ee Puntland waxa ay si wadajira u qireen in Puntland ay ka jirto dowladdnimo taama, dimuquraadiyad, nidaam iyo kala danbayn ku dhisan dhaqan.


Puntlandes.com

About The Author