Taliska Booliska Puntland oo Bosaso kusoo bandhigay Rag dilay Ganacsade

13 Feb 2019 (Puntlandes) Taliska Ciidamada Booliska Dowladda Puntland, ayaa Magaalada Bosaso kusoo Bandhigay Dhalinyaro ku eedeysan Dilka Nin ganacsade ah oo habeen ka hor lagu dilay Xaafadda Raf Iyo Raaxo ee Bosaso.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa Sheegay in Dhalinyaradan oo ah, kuwii ka dameeyay Dilka nin ganacsade ah loogu geystay boosaaso, ay Boolisku kusoo qabteen Howlgallo culus oo ay sameeyeen kaddib.

Gen. Muxyadiin ayaa tilmaamay in Dhalinyaradani 4-ta ah ay qeyb ka yihiin Kooxaha argagixisada ah ee Ammaan darada ka waday Bosaso, Isagoona sheegay inay hor-keenayaan Cadaalada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa tilmaamay in ammaan darada Bosaso ay qeyb ka yihiin Dhalinyarada oo uu sheegay inay fuliyaan dilalka, Isagoona ugu baaqay Waalidiinta inay Kantaroolaan Ilmahooda.

Puntlandes.com

About The Author