Cabdinuur Sh. Isxaaq oo ka mida wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ka tagaya laanta Afka Soomaaliga ee BBC

15 Feb 2019 (Puntlandes) Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo ka mid ahaa Wariyeyaashii ugu caansan Soomaaliya una shaqaynayey mudo dheer laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa shaqada ka tagaya dhawaan.

Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa BBC-da ku biiray sanadkii 1989, waxaa uu ka mid ahaa wariyeyaasha mudada dheer u shaqeynayay laanta Afka Soomaaliga.

Waxaa uu sheegay in markii uu ku soo biiray BBC-da ay ku adkaatay qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayay oo ka duwaneyd tii Radio Muqdisho, balse tababar kaddib uu la qabsaday

”Markii aan ku soo biiray BBC waxaa igu adkaa qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayey oo ka duwaneyd tii Radio Mogadisho, balse tababar ka dib waa la qabsannay oo waxaa nala baray xataa wareysiga aad qaado sida aad u jarjari karto oo aad ugu habeyn karto waqtiga aad u haysato balse Radio Mogadishu ma jirin qof ama laba ka badan oo farsamada yiqiin oo waxaa xadidnaa qalabka” ayuu yiri Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.

Waxaa ay horay u soo wada shaqeeyeen Wariyeyaal caan ahaa oo soo maray BBC-da, sida C/llaahi Xaaji, Aadan Nuux Dhuule, Yoonis Cali Nuur, Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar iyo kuwa kale.

Puntlandes.com

About The Author