Sawirro Video: Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray Dhismayaasha loogu tala galay qaar kamid ah Wasaaradaha Jubbaland.

17 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xariga ka jaray Dhismayaasha loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dhimayaashan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa waxaa ku shaqayn doona Wasaaradaha wax soo saarka leh kuwaas oo kal hore ku shaqaynayay Xarumo kale balse hada kadib halkan ka bilaabi doona Adeegyadii ay Bulshada u hayeen.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay dhamaan dhinacyadii ka qayb qaatay wakhtigii dhismaha Xarumahan ay socdeen isagoo u tacsiyeeya qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u Naxariiste Nuur Cali magan oo ahaa Agaasimahii shirkada dhismaha Xarumahan fulisay kaas oo dhawaan geeriyooday waxaa kale oo Madaxweynahu uu tacsi u diray qaar kamid ah Shaqaalaha Hay’ada SSF oo ku geeriyooday Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhismaha Xarumahan oo lacag badan ay ku baxday ayna suuro gal noqoteen hadii Hanaanka Dowladnimo iyo Nabadgalyada Jubbaland aanay ahayn mid la hubo oo dhamaystiran waxaa uu amaanay Ciidamada Amniga qaybahooda kala duwan isagoo sheegay in Dhamaan Maalgashiga iyo hanaanka deeqbixinta ay Jubbaland diyaar u tahay loona baahan yahay in lagu soo hirto.

 


Puntlandes.com

About The Author