Dowladda Federaalka Soomaaliya & Jubbaland oo heshiis qarsoodi ah gaaray, RW Kheyre oo ku sii jeeda Kismayo

22 Feb 2019  (Puntlandes) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis hoose la gaartay Maamulka Jubbaland taasoo lagu soo afjarayo xiisadda siyaasadeed ee muddo u dhaxeysa Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in heshiiskan hoose uu ka dhashay wada hadalo muddo ka socday magaalada Nairobi, kaasoo uu ka soo shaqeeyay Kusimaha Agaasimaha NISA ahna Agaasime Kuxigeenka Fahad Yaasiin oo wada xaajoodyadan uga wakiil ahaa Madaxda dowladda.

Fahad Yaasiin oo muddo bil arrinta wada xaajoodka ugu sugnaa magaalada Nairobi ayaa kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadlay in meesha laga saaro khilaafkii labada dhinac, isla markaana la abuuro jawi ay ku wada shaqeyn karaan dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Heshiiskan uu Fahad Yaasiin garwadeenka uga ahaa dowladda Federaalka ayaa haddii uu dhaqan galo waxaa mar kale Axmed Madoobe u suura geli doona inuu ku soo laabto talada Jubbaland, maadaama uu markii hore cadaadis badan kala kulmayay dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa inay safar ku tagaan magaalada Kismayo, si loo meel mariyo heshiiskan, lana isla gaaro is afgarad kama dambeys ah.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan u fasaxday Jubbaland lacag gaareysa 1.2 milyan oo doolar oo horay looga xayiray, intii uu jiray khilaafka labada dhinac, waxaana lacagtaas loogu tala galay fulinta mashaariicyo

Lama oga heshiiskan ay isla gaareen dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland saameynta uu ku yeelan karo xiisada siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Kenya, maadaama dowladda Kenya ay galaan-gal badan ku leedahay Maamulka Jubbaland.

Puntlandes.com

About The Author