Sawirro: Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gen Asad oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho

23 Feb 2019  (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gen Asad Cismaan C/laahi ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdi Gen Asad ayaa waxaa ka mid Siyaasi Cali awaare oo wasiir kasoo noqday dawladda Puntland isla markaasna ahaa musharax madaxweynaha Puntland.

Gen Asad oo madaxweyanaha Puntland Siciid Deni kula tartamay wareega u damabeeyey ama finalka ayaa ah siyaasi taageero badan ka haysa shacabka reer Puntland kalsooni badana ay ku qabaan hogaankiisa.

Gen Asad ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan xafiisyada kala duwan ee dawladda Federaalka iyo dadwaynaha qaybihiisa kala duwan.


Puntlandes.com

About The Author