Sawirro: Kulan lagu dal banayey in cidii Caasho dhishay gacanta lagu soo dhigo cadaaladana la horkeeno oo Galkacyo ka dhacay

Inaa Lillaahi wa inaa ilayhi raajucuun.

Wasaarada Waxbarashada, Gudoonka waxbarashada gobbalka Mudug, iyo degmada, dhamaan bahda waxbarashada waxay u tacsiyeeynayaa qoyska Caasho Ilyaas Aadan, Caasho oo si qufdi iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo.

Maantay 26/Feb/2019 waxaa fasax ahaa dhamaan dugsiyada iyo goobaha waxbarashada Gaalkacyo.

Waxaa isla maantay la qabtay kulan wayn ee Maamulayaasha, Gudoonka, aqoon yahan iyo madaxba ka soo qayb gashay. Kulankaas oo ahaa kulan lagu dal banayey in cidii Caasho dhishay gacanta lagu soo dhigo cadaaladana la horkeeno.

Kulanku markuu dhamaaday waxaa socod lagu maray magaalada ayada oo lagu tagay dugsiga hoose dhexe ee Salaama, oo ahaa dugsigii Caasho dhigan jirtay, waxaa la booqday Fasalkeedii. Waxaa la go’aan saday in fasalkaas loo baxsho Caasho Ilyaas.

Magaca: Caasho Ilyaas Aadan
Dugsiga: Salaama
Fasalka : Lixaad
R No: 30

 


Puntlandes.com

About The Author