Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ka tirsanaa Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa shil baabuur ku geeriyooday.

27 Feb 2019  (Puntlandes) Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ka tirsanaa Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa shil baabuur ku geeriyooday.

AUN Xildhibaanka oo laga soo doorto gobolka Bari ayaa ku dhintay shil uu ku galay inta u dhexaysa magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari iyo degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Wararku waxay sheegayaan in Gaariga xildhibaanka uu dusha ka maray gaari xamuul ah oo u socday dhinaca magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland.

Puntlandes.com

About The Author