Somaliland oo war saxaafadeed ka soo saaray kulankii Farmaajo iyo Abiy Ahmed

06 Marso 2019 (Puntlandes) Maamulka Somaliland ayaa war ka soo saaray kulankii shalay Addis Ababa ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay in Madaxweyne Farmaajo uu garwaaqsaday kaalinta Somaliland kaga jirto arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba, isla Markaana uu Aqbalay in aanu Soo Faro Galin Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa isku afgartay xaqiijinta xiriirka Somaliland ee taageerada Nabadda Gobolka.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu socdaal ku tagay Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Puntlandes.com

About The Author