Kheyre oo ku wajahan Kismayo heshiisna la galaya Axmed Madoobe

07 Marso 2019 (Puntlandes) Wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Kismayo iyadoo uu gaari doono ra’iisul Wasaare Kheyre maalinta sabtida.Xubnaha wafdigan gaaray magaalada Kismayo ayaa waxaa ka mid ah ciidamada qaaska u ah ra’iisul wasaaraha iyo weliba qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland ayaa heshiis la gaaray dowlada federaalka waxana booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ay la xiriirta sidii loo soo afjari lahaa khilaafka hore ugaga dhexeeyey Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federalka.

Madaxda dawladda Federaalka oo suxil duub ugu jira sidii ay usoo noqon lahaayeen 2020ka ayaa waxay ku qasbanaadeen inay heshiis la gaaraan Axmed Madoobe si ay u taageeraamn inuu si qasab ah ku soo noqdo kadibna uu iyaga u taageero.

Puntlandes.com

About The Author