Sawirro: RW Khayre oo gaaray Kismayo

11 Marso 2019 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaala xeebeedka Kismayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo hadal kooban ka jeediyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismayo ayaa Madaxda Jubbaland iyo shacabka Kismayo kaga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen waxuuna sheegay in kismaayo uu joogi doono maalmo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxwaynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismayo.


Puntlandes.com

About The Author