Magacaabidda Ergeyga cusub ee QM oo u muuqata tallaabo lagu ciqaabayo DF

14 Marso 2019 (Puntlandes) Xogahayaha guud ee QM António Guterres ayaa shalay ergey cusub usoo magacaabay Geeska Afrika, kaasi oo ah Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay dalka Gabon.

Hase yeeshee magacaabistan ayaa abuurtay shaki weyn iyo su’aalo ku saabsan xiisadda Soomaaliya iyo QM kadib markii dowladda federaalka ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Dhowr qodob oo is-biirsaday ayaa talaabadan u mujineysa mid ay QM uga aargudaneyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo weli xiriirkooda uusan wanaagsaneyn.

1 – QM ma sheegin shaqada ergeyga cusub Parfait Onanga-Anyanga iyo waxa uu qaban doono, iyo dalalka uu qaabilsanaan doono, hase yeeshee marka laga soo tago Soomaaliya, inta kale dalalka Geeska Afrika waa kuwo dowlado dhisan ay ka jiraan oo QM aysan ergey usoo magacaabin.

2 – Qodobka labaad ee shakiga badan abuuraya ayaa ah in QM aysan hadda ka hore u lahayn ergey gaar ah oo qaabilsan Geeska Afrika, oo tani ay tahay markii koowaad ee ay dhacdo.

3 – Sidoo kale QM weli ergey uma soo magacaabin Soomaaliya, saddex bil kadib markii Soomaaliya ay cayrisay Nicholas Haysom.

Way adag tahay in si rasmi ah loo ogaado qorshaha QM, hase yeeshee ergeyga cusub ayay u badan tahay in QM ay u magacowday laba arrin oo labaduba ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

1 – QM oo dowladda Soomaaliya u muujineysa in go’aankeeda ciqaabtiisa la marsiinayo, ergeyga cusubna uu yahay mid qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, oo markii hore uu wada qaabilsanaa ergeyga Soomaaliya, haddana loo muujinayo in si gaar ah loola macaamilayo Somaliland.

2 – QM oo ka hortageysa in dowladda Soomaaliya mar kale ay cayriso ergey ay soo dirsatay. Maadaama ergeygan uusan wadan magaca “Ergeyga Soomaaliya”, dowladda Soomaaliya awood uma lahan inay cayriso ama codsato in laga beddelo.

Dowladda Soomaaliya, oo arrintan aan wax ka weydiinay way ka gaabstaay inay ka jawaabto. Hase yeeshee waxa ay dhowaanahan QM wadday tallaabooyin ay ku ciqaabeyso dowladda Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author