Madaxweyne Deni oo magacaabay gudiga soo xulista xildhibaanada golaha deegaanka Gaalkacyo

23 Marso 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay guddiga soo xuliska xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 12 xubnood kuwaas oo shaqada ay qaban doonaan ay noqon doonto diyaarinta kala hufidda xildhibaanada golaha deegaanka ee ay yeelanayso degmada Gaalkacyo.

Xubnaha ayaa isugu jira wasiiro,xildhibaano iyo isuduwayaal wasaaradeed iyadoo uu faray madaxweynuhu in ay gutaan howlaha loo xilsaara ee la xiriirta soo xulista iyo kala saaridda xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Gaalkacyo.

Wasiirada arimaha gudaha, Ganacsiga, Qorsheynta iyo wasiiro ku xigeeno ka tirsan wasaaradaha amniga,haweenka ayaa kamid ah guddiga.

Puntlandes.com

About The Author