Wasiir ku xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku dhintay weerarkii Wasaaradda

23 Marso 2019 (Puntlandes) Wararka naga soo gaarayo Muqdisho ayaa sheegayo in lasoo afjaray weerarkii laguy qaaday  Gudaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya.

Dableyd ka kooban 4 ilaa 5 oo ka tirsan Alshabaab ayaa gudaha u galay Wasaaradda, waxayna ku labisnaayeen Dareeska Ciidamada Booliska Soomaaliya iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la toogto.

Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa isku dhegan, sidoo kale waxaa u dhow Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada.

Dadka ilaa hadda sida rasmiga ah loo xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaas ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla sidoo kalena ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xilliga uu dhacayay weerarka Wasaaradaha shaqaalaha iyo howlaha guud.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa tiradooda gaarayo ilaa 11 qof sida laga soo xigtay Baabuurta Gargaarka Deg deg ah ee Ambalaasta.

Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka sida ay ku sheegeyn war saxaafadeed xoogaa ka hor kasoo baxay.

“Ciidamada Alshabaab ayaa howlgal ballaaran ka wada xarumaha wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Wasaaradda Howlaha Guud, howlgal aad u xooggan ayaana socda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Alshabaab.

Puntlandes.com

About The Author