Wasiir Goodax Barre oo Dacwad laga gudbiyey

07 Apr 2019 (Puntlandes) Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamadiid oo ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka JFS kana mid ahaa xildhibaanadii uu Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, uu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa sheegay inuu dacwad ka gudbinayo wasiirka.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu qabsaday qareeno iyo sharci yaqaano, ayna diyaarinayaan sidii dacwad uga gudbin lahaayeen Wasiirka oo isaga si gaar ah farta ugu fiiqay xilli uu la hadlayay Warbaahintii ku sugneyd xarunta Baarlamaanka.

“Waxaa yaala qaanuun iyo sharci, Guddi Anshax baa jiro, Shacri yaqaanadeeda ayaan la tashtay, waxaan la tiigsan doonaa Sharciga ilaa xasaanada Xildhibaannimo laga qaado maxkamadana geeyo waan daba taagnaan doonaa” ayuu yiri Xildhibaanka Yuusuf Gamadiid

Xildhibaan Gamadiid ayaa dhinaca kale tilmaamay in Goodax Barre uu caadeystay ijaafeynta Xildhibaanada iyo dadka kaleba, balse arrintan ay noqon doonin si la mid ah kuwii hore mid looga hara, isagoo shaaciyay in Dacwada ay la wadaan Xildhibaano kale.

Xildhibaannada lagu eedeeyay Alshabaab inay la shaqeeyaan ayuu sheegay iney gaarayaan Lixdameeyo oo isugu jira Afartameeyo Xildhibaan oo diiday in Saxaafada baarlamaanka looga saaro iyo Labaatameeyo arintaas isaga aamustay.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre uu si cad Saxaafadda hortooda ugu sheegay inay Alshabaab yihiin Xildhibaanada dalbanayay iney Warbaahinta goob joog ka ahaato su’aalo weydiinta laamaha amamanka dowladda, iyadoo kulankii shalay uu ku dhamaatay buuq iyo muran hareeyay.

Puntlandes.com

About The Author