Sawirro: Shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Somalia ee heer Federaal & Dowlad Goboleedyada oo Kismayo ka furmay

08 Apr 2019 (Puntlandes) Shirkan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan Dowlad Goboleedyada dalka Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada howshan ku lugta leh waxaa uu Madaxweynahu sheegay in khilaafka la xiriira awoodaha uu jirayo inta Dastuurka dalku uu qabyada yahay in la dhamaystirana ay lagama maarman tahay waxaa uu intaas ku daray in Barnaamijkan ay tahay in Soomaalida iyo dadka aan maslaxadooda u ordaynin loo daayo si wax miro dhal ah ay uga soo baxaan kala fikir duwanaantana lagu xaliyo si wadar ogol ah.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ay masuuliyad ka saaran tahay howshan loona baahan yahay in dhabarka loo rito si Dowladaha iman doona aanay iyaguna dhamaystirkiisa wakhtiga ugaga lumin.



Puntlandes.com

About The Author