Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo sheegay inay shacabka ku cinqaabayaan xeerkii kaligii taliye Siyaad (muuqaal)

08 Apr 2019 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa kormeereey habka ay u shaqeeyaaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawl gala Dekeda Bosaso.

Kormeerku kadib ayaa waxa uu Wasiirku faahfaahin ka bixiyey waxyaalaha uu soo arkay intii uu ku gudo jiray kormeerkaas.

Wasiir Xasan Shire ayaa sheegay inay qabteen shaqaale ka tirsan Maaliyadda Dawladda Puntland oo ku hawlanaa adeegsi warqado been abuur ah iyo musuqmaasuq ayaa yiri “waxaanu haynaa shaqaalaha Wasaaradda qaybo ka mid ah oo adeegsanaya warqado been abuur ah iyo kuwo hanti lunday dhowaana maxkamad ayaanu keenidoonaa”

Wasiirka ayaa sheegay inay Maxkamad saari doonaan shaqaalaha ay xireen iyo cidii kale oo isku dayda inay musuqmaasuqdo lacagta dawladda isagoo sheegay inay ku qaadayaan “xeerkii Siyaad Barre” wuxuuna yiri “waan ogaydeen Toogasho ayey ahaan jirtay, limit waxaa jiray qofku toogasho noqonayao” Limit-ka uu wasiirku sheegay wuxuu ahaa 100 0000 SO SH.

Waxaa xusid mudan in aan Puntland marna looga dhaqmin Xeerkii Kacaanka ee uu samaystay kaligii taliye Siyaad Barre, laakiin waxa lagu dhamayey Dastuurkii ay ummadda Soomaaliyeed iu cadaysay 1960kii mana jirto meel ay uga taal i n lagu toogto musuqmaasuq.

Dhanka Wasiirka ayaa u digay dhamaan shaqaalaha Wasaaradaha Dawladda ee Dakhliga qabta ayaa yiri “dhamaan shaqaalaha Wasaaradkasta oo dakhli qabata waxaan uga digaynaa qofkii hanti lunsada waxa uu wajahayaan ciqaabta uu leeyahay”


Puntlandes.com

About The Author