Madaxweynaha Somaliland oo Xilka qaadis & Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumaddiisa

Filed under: Wararka maanta |

14 April 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilka ka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumaddiisa, waxaynakala yihiin:

Xil ka Qaadis

Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Axmed Xasan Cigaal Sahal
Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

Xil magacaabid

1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya

Puntlandes.com