Sawirro: Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada oo shir uga furmay Nairobi

22 April 2019 (Puntlandes) Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay dawladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi.

Shirkan ayaa ka socda Hotelka Pan Afrika, waxaana soo qaban qaabiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maxamed Cabdi Gaandi ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana la filayaa in gaba gabada laga soo war murtiyeed.

Xubnaha ka dhex muuqda shirka ayaa waxaa ka mid ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo xubno kale.

Shirkan ay leeyihiin Siyaasiyiinta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, iyagoo wakiilada Beesha Caalamka kala hadlaya arrimaha Soomaaliya iyo sidii taageero gaar ah loo siin lahaa maamuladooda, halkii horay loogu soo marsiin jiray dowladda Federaalka.



Puntlandes.com

About The Author