Sawirro: Dhismaha wadada Laamiga ah ee dhex marta magaalada Buurtinle oo si habsami ah u socota

23 April 2019 (Puntlandes) Shacabka magaalada iyo maamulka degmada Buurtinle ayaa si isku tashi ah ku dhisanaya wadada halbowlaha u ah isku socodka gobolada dalka Soomaaliya ee dhex marta magaalada, iyadoo dhismaha ayaa guulaystay oo la dhamaystiray 1KM oo biloow u ah 3.6 KM oo qorshaha dhismaha wadadaasi uu yahay.

Gudoomiyaha Guddiga Dhismaha Laamiga C/laahi Khaliif Faarax iyo Dadka Deegaanka oo si wadajir ah saxaafada uga warbixiyay ayaa baaq dheer u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya, tan Puntland, SHacabka Soomaaliyeed iyo Dadka Deegaanka ee qurbaha ku nool inay gacan lixaad leh ka gaystaan kana qayb qaataan dhismaha wadadaas.

Gudoomiye C.laahi Khaliif ayaa u mahadceliyay dhamaan cid walba oo gacan ka gaystay dhismaha, waxaana sidoo kale u mahadceliyay shirkadda kebarco oo sida tayada leh ay u dhisayso laamigan.


Puntlandes.com

About The Author