Xasan Sheekh “Dalkaan Hoggaamiye xoog badan iyo shacabka oo gacan bir lagu qabto, waa tan maanta 30-sano na dhigtay”

27 April 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlayay xafladii daah furka Xisbiga Himilo ayaa si kulul uga hadlay xaalado badan oo dalka ka jira, isagoo hadalkiisa u muuqday mid jawaab u ahaa hadal horay ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo oo ahaa inay gacan bir ah ku qabanayaan dadka dibad baxaya.

Xasan Sheekh ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay soo martay dowlad dhisida Soomaaliya, wuxuu u mahad celiyay Madaxweynihii ka horeeyay sida uu dalka uga suura geliyay 22 sano kaddib inay doorasho ka dhacdo.

Sidoo kale waxaa uu xusay in xilligiisa uu isna sidaas sameeyay oo dalka doorasho ka dhacday, isla markaana talada dalka uu qabtay Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu tilmaamay inay doonayaan in wadadaas lagu socdo oo dhaqankaas la qaado.

Waxaa uu soo hadal qaaday hadalada xanafta iyo erayada mucaaradka dadka ka hadlaya arrimaha kala duwan, isagoo xusay in haddii laga hadlayo wax kasta ka soo horjeeda dastuurka aanay qaran dumis aheyn, balse ay tahay qaran dhise.

Mar uu ka hadlayay in dalkaan aanu u baahneyn Hoggaamiye xoog badan oo shacabka gacan bir ku qabta ayuu yiri”Dalkaan hoggaamiye xoog badan iyo shacabka oo gacan bir ah lagu qabto. afkana la qabto waa tan maanta 30 sano na dhigtay, fidnadii ka dhalatayna weli waa socotaa, Dadka waa hadlayaan, haddii laga hor istaagan si walbo ahaado waa isu tegayaan, haddii qaranka wax kasoo horjeedo laga hadlana qaran dumis in la yiraahdo waa afqabasho iyo waxaan raali laga noqoneyn, dhaqan suubanna ma ahan”

Puntlandes.com

About The Author