Sheekh Shariif oo la kulmay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

30 April 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta la kulmay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ku leedahay Xerada Xalane, waxaana Shariifka ku wehliyay kulanka ku wehliyay xubno ka tirsan Xisbigiisa ee ka tirsan Labada Gole.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo Safiirka Mareykanka ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, amniga, doorashooyinka iyo nidaamka xisbiyada.

Sheekh Shariif ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayay Safiirada Beesha Caalamka ee jooga Muqdisho tan iyo markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtay Khamiistii la soo dhaafay, waxaana dhaq dhaqaaqyada Shariifka wado ay noqdeen kuwo aad loo hadal haayo oo Madaxdii dalka ku sugneyd culeys badan ku keenay.


Puntlandes.com

About The Author