Daawo Video: Madaxweynaha Somaliland oo xaalad degdeg ku soo rogay deegaano ka tirsan Sanaag

30 April 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay ka jireen dagaalo iyo deganaanshe la’aan.

Xaaladda degdega oo socon doona muddo saddex bilood ayaa lagu soo rogay degmooyinka Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar Adag, iyadoo mudada ay xaalada degdega ku jirto deegaanadaas uu ka socon doono kaliya amarka Ciidamada.

Shalay ayay aheyd markii meel ku dhow deegaanka Gar Adag lagu dilay Labo Taliye ciidan, kaddib markii maleeshiyo hubeysan ay jidka u galeen.

Banaan baxyo rabshado watay ayaa shalay ka dhacay deegaanka Gar Adag, waxaana banaan baxaas uu ka dhashay markii nin maxbuus ahaa uu ku dhintay Xabsiga.


Puntlandes.com

About The Author