Tifatirihii shabakada shacabka Media oo Maanta lagu xiray Garoowe

1473

Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa maanta lagu xiray tifatirihii shabakadda Shacabka Media, Xuseen Yaasiin Godo Godo

Ciidanka booliiska ayaa xabsiga u taxaabey Godo Godo oo ka mid ah Qurbo-joogta Puntland dhawaana magaalada Garooowe soo gaarey.

Lama oga sababta lagu xiray Xuseen Godo Godo, mana jiro wax war ah oo xariggiisaan ku saabsan oo kasoo baxay maamulka Puntland.

Afar bilood ka hor ayay ahayd markii madaxtooyada Puntland amar ku siisey shirkadaha isgaarsiinta inay hawada ka saaraan shan website oo kamid ah kuwa wararka laga daalacdo ee Soomaalida.

Falkaan waxaa si adag u cambaareeyey Ururka Saxafiyiinta Puntland MAP, Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo ururka wariyeyaasha aan xuduudka lahayn RWB.Xukuumada uu hogaamiyo Dr Gaas ayaa waxay ku haysaa Caburin, Xadgudub iyo Cagajuglayn Wariyayaasha ka hawlgala Puntland.

Puntlandes.com

About The Author