Waxaan maqli jirey “ Farsamo xumo Jar bay kaa tuurtaa”

Puntland waxaa soo maray maamulo kala duwan oo ay xukunkeeda hayeen dad kala duwan. Waxaa ka mid ahaa askar iyo dad shicib ahba. Waxay u badnaayeen odayaal shaqooyin ka soo qabtay maamuladii kala duwanaa ee Soomaalia.

Raggaasi waxay ka sinaayeen hal wax oo ah  in aysan dhicin marna  in maamulkooda lagu sheego jileec iyo is dhex yaac. Iyagu haba kala  karti badnaadeene.

Bishii January 8 deedii  waxaa si lama filaan ah loo doortay Profesor/ Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Dad badan oo reer Putnland ihi aad bay ugu han waynaayeen ninkan cusub oo madaxtinimada Puntland qabsaday. Waxay is lahaayeen maadaama uu wax badan kaga gadisnaa ragii  ka horreeyey:

  1. Wuu ka dhalinyaraa, oo dad badani waxay is lahaayeen wuxuu la imaan doonaa Maskax oo la socota waqtigan casriga ah.
  2. Waxaa la is lahaa wuu kaga horeeyaa xaga aqoonta oo wuxuu wataa titles ka aan kor ku soo xusnay.
  3. Waxaa lagu tuhmayey aqoon ah in uu dhaqaalaha wax ka qaban karo maadaama uu jaamacado maraykanka ku yaal uuba bare kaga ahaa.

Cigaal Shiidaad baa waxaa laga sheegay isagoo goor habeen ah socda ayuu wuxuu Libaax mooday oo ka baqay Geed jiridi. Markaasu Subixii markuu arkay wuxuu yiri  “ Geed yohow? Ma waxaan ku moodey! Mise waxaad noqotay! misse waxaan loo noqondoonin!” Sheekadiisu waxay isugu biyo shubatay in aan guure (habeen socosho) danbe loo noqondoonin, Gaas ma sidii loo qabey iyo siduu noqday. Sidii loo qabey kor baan kusoo xusnaye bal aan bal balaarino sida uu noqday iyo sababaha ugu wacan

Labadii bilood ee ugu horeysey baa dadkii waxaa kasoo haray yaab iyo amakaag. Qaar baa waxay yiraahdeen adeer maxaa looyiri aqoon dhaqaalaha ah buu leeyahay? Soo kan guutada ciidankaa intuu kaxaystay xeebaha Puntland  u dalxiiska tegey (waa markuu xeebta Garacad gacmaha taagayey)  iyadoo ciidankii xuduudaha joogey ay gaajo iyo daryeel la’aan ay u mudaharaadayeen oo ay xerada 54:aad shaagaga ku gubayeen. Dadkoo  dhami waxaysan garan in aqoonta buug la akhriyo iyo mid wax laga akhriyo aysan micne wayn ku fadhiyin hadii caqli iyo karti aysan meesha oolin.

Mid waa run oo Profesor/ Dr Gaas waana bartay, waana dhigay cilmiga dhaqaalaha. Laakiin waxaan dadka intiisa badan aysan xisaabta ku darsan in cilmigu uu yahay oo kaliya qalab (tool) la adeegsado oo hadii caqligii aad ku adeegsan lahayd iyo kartidii aad ku fulin lahay  aysan meesha oolin in uu la mid noqonayo Farsamo xumo Jar bay kaa tuurtaa, ama sidii “Dameer malab sida oo kale” ama hilibkii daanyeerka dabada ugu warnaa oo kale,  oo inta Dhurwaagu eegay yiri “hiliboow waa nin ku waayey iyo nin dabada kugu wartay” waxaa loola jedaa in hilbka daanyeerku uusan cunin, aqoona sida loo isticmaalo. Marka Profisor/Dr. Gaas. Title iyo magac aqooneed waa u mana sheegtaaye Muxuu ku Qabtaa ama ku isticmaalaa?

Marka Karti iyo Caqli  hogaamineed shaqo kuma laha PhD iyo Cilmi la xafido ee waa haybad gooni ah oo ilaahay dadka siiyo. Tusaale waxaa kuugu filan Profisor/ Dr Gaas oo loowada jeedey xataa meel kale daaye xafladiisii dabaaldega waxa ka dhacayey. Xaafidu laahi Cade Muuse waa kii runta u sheegay, Abwaan Shube waatuu isna sarbeebta kulu hadlay oo fanaaniintii isu heesayey uu wiilkuna gabadhii “ waan ku jeclahaye Jawaab isii, gabadhiina ugu jawaabtey anigu Xamar iyo soomaali baan dhawrayaaye nasiibkaaga sugo. Shube waa kii gaba gabdii amaanay xaaskiisa ileen xukuumadii u yeeratay amaan ma mudnee. Waxay ila Tahay in dadka reer Puntland in Magac lasheegto iyo aqoon beenaad dambe aanay qof ku dooranayn. Ee ay qiimayn doonaan kartida iyo caqliga qofka.

1106

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author