Maxkamada Garowe oo qaar ka mid ah eedaysanayaashii kiiska Caisha dil ku xukuntay
12 May 2019 (Puntlandes) Maxkamada Darajada koowaad ee dagmada Garowe ayaa ku dhawaqay go’aanka Maxkamada ee kiiska Caisho Ilyaas Aadan.
Maxkamada ayaa 3 Eedaysane waxay ku xukuntay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland, waxayna magacyada ragga dilka toogashada ah lagu xukumay kala yihiin:
1-Cabdifataax Cabdirahman Warsame 24 sano jir.
2-Cabdisalaan Cabdirahman Warsame 32 sano jir.
3-Cabdishakuur Maxamed Dige 46 sano jir
Waxaa kale oo ay Maxkamadu fasaxdey 7 kale oo mid ahaa eedaysanayaasha oo ay ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn.
Garsoorku waxa uu sheegay in Xukunka uu ka furan yahey Racfaan mudo Bil ah.
Puntlandes.com