Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo furay shirka Iskaashiga Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay shirka Iskaashiga, xiriirka iyo wax wada-qabsiga dowladdaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ee kala ah Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, maadaama Puntland hore xiriir iskaashi ula lahayd Jubbaland iyo Galmudug.

Shirkan oo ka furmay Garoowe waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirkan iskaashiga ah

“Runtii waxaa sharaf weyn noo ah inaan halkan ku qabsano shirkan sadex geesoodka ah oo qayb ka ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh, waxaan ku faraxsanahay inay madashan joogaan saaxiibaday Madaxweyne Cabdicasiis iyo Madaxweyne Waare oo runtii ka mid ahaa wafuuddii badnayd ee halkan kulahaa shirka wada-tashiga ah”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowaladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale bogaadiyey iskaashiga iyo xiriirka cusub ee dhexmaraya Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

“Waxaa si gaar ah sharaf weyn noogu ah Puntland inay maanta labadan maamul ay wadayeeshaan iskaashi iyo xiriir, iyadoo hadda ka hor dowladdaha Galmudug iyo Jubbaland u dhexmareen heshiisyo iyo shirar noocaan oo kale ah oo ay iskaashi iyo wax wadaqabsi uga wadahadlayeen”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirarka noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka ee dhinacyada ganacsiga iyo wadashaqaynta dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.


About The Author