Sawirro: Musharax Abdukadir Salad Ali oo la kulmay Soomaalida Göteborg & Borås

13 May 2019 (Puntlandes) Abdukadir Salad Ali oo ah musharax u taagan Baarlaamnka Yurub (EU) ayaa sabtidii iyo axadii la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalooyinka Göreborg iyo Borås.

Musharax Abdukadir oo degen Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm, halkaas oo uu ku noolaa muddo aad u dheer ayaa waxa uu ka soo shaqeeyey, madaxna ka ahaa Xafiis lagu caawiyo dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo caawiyey dhalinyaro aad u faro badan.

Musharaxa oo socod dheer ku marayey gobolada dalka Sweden si uu ula kulmo jaaliyaddaha Soomaliyeed ee ku kala nool magaalooyinka dalka ayaa la kulmay jaaliyadda magaalooyinka Göreborg iyo Borås.

Mushaxa ayaa khudbadihiisa uga hadlay muhiimadda ay leedahay inay Soomaalidu matalaad og ama ka warhaysa baahidooda ku yeeshaan Baarlaamka EU da, isagoo ka codsaday inay marka koowaad codeeyaan marka xigana codkooda siiyaan isaga.

Musharaxa ayaa mjaaliyadaha magaalooyinkaas  uga jawaabay su’aalo badan oo aad u xiiso badnaa oo ay waydiiyeen  qaar ka mid ah ka soo qayb galayaasha kullamada.

Ugu dambayntii Musharaxa ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta iyo kasoo qaybgalka kullankiisa.

Musharax Abdukadir ayaa ka tartamaya oo ka mid ah Xisbiga Leberalerna (L), wuxuuna kaga jiraa liiska 43.

Fadlan u codee mudane Abdukadir Salad Ali oo ah shaqsi  Soomaalida wax badan usoo qabtay, oo isku tilaab saar sanduukha ka horeeya magaciisa oo nambarkiisu yahay 43.

 

Daawo sawirrada


Puntlandes.com

About The Author