Shan Xisbi Siyaasadeed oo soo bandhigay Aragtidooda ku aadan doorashooyinka dalka

14 May 2019 (Puntlandes) War saxaafadeed si wadajir ah u soo saareen Xisbiyada Ilays, UPD, Wadajir, NDP iyo NPP ayaa waxay kaga hadleen aratidooda ku aadan doorashooyinka dalka ka dhici doona, iyagoo soo jeediyay doorashadu noqoto Hal qof iyo Hal cod.

Xisbiyada ayaa si qoto dheer uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxayna si gaar ah ugu kuur galeen doorashooyinka ku beegan dhamaadka sanadka 2020.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada ay noqoto hal cod iyo hal qofo, lehna deegaan doorasho qayaxan oo ku saleysan nidaamka axsaabta iyo saami qeybsiga matalaada isu dheeli tiran ee beelaha.

Waxaa ay sheegeen in Baarlamaanka 10aad ee hada jira uu waqtigiisa ku eg yahay 26 December sanadka 2020, xilligaasna ay sharci ahaan ku asteysan tahay xilli lama dhaafaan oo ah inay soo dhameystiranto doorashada Wakiilada Shacabka iyo Wakiilada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Sidoo kale Xisbiyada ayaa waxay walaac ka muujiyeen in dowladda hada jirta ay sameysato muddo kororsi, waxaa kaloo sharciga doorashooyinka ee Xukuumadda ansixisay ay soo jeediyeen in sharciga doorashooyinka uu noqdo sharci wadar ogol ah, lagana talo geliyay qeybaha bulshada iyo xisbiyada siyaasadda.

Akhriso war saxaafadeedka


Puntlandes.com

About The Author