Sawiro: Gaalkacyo oo looga banaanbaxay Aflagaadadii uu Wergayska Charlie Hebdo u gaystay Nabi Maxamad iyo Diinta Islaamka

Gaalkacyo (Pes) Shacabka waynaha magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan aflagaadadii uu wergaysa la yiraahdo Charlie Hebdo oo laga soo saaro Magalada Paris ee Dalka Faransiiska  u gaystay Suubanaheena Maxamud NNKH, iyo waliba diinta Islaamka.

Dadkan oo isagu soo baxay garoonka kubada Cagta Cawaale ayaa isagu jiray rag iyo dumar, waxayna badankood gacmaha ku sitaan boorar ay ku muujinayaan siday muslimka u yihiin ugana xun yihiin ficilka foosha xun uu wergaystaasi kula kacay Nabi Maxamed NNKH, kaasoo isagoo xumaan la beegsanaya ku matalay Kartoon sawir gacmeed ah.

Dadka Gaalkacyo oo kaliya kama aysan banaanbixin falkaasi, hase yeeshee maalo kale oo Soomaaliya ah ayaa laga muujiyay inay ka xun yihiin falalkaan lagu xumaynayo diinta Islaamka.

640x360xDSC09132.jpg.pagespeed.ic.UeUT3p_XH6 640x360xDSC09135.jpg.pagespeed.ic.S0DAay4Se- 640x360xDSC09136.jpg.pagespeed.ic.RY23kPW9eR 640x360xDSC09147.jpg.pagespeed.ic.fItPKj7EFB 640x360xDSC09155.jpg.pagespeed.ic.sJS92c4yxa 640x360xDSC09156.jpg.pagespeed.ic.zY2a4AWL5S 640x360xDSC09157.jpg.pagespeed.ic.5EnjsWF5m9 640x360xDSC09160.jpg.pagespeed.ic.C3x_ODm-w3 640x360xDSC09162.jpg.pagespeed.ic.v4_FLV-PTR 640x360xDSC09164.jpg.pagespeed.ic.su8hDxEib0 640x360xDSC09168.jpg.pagespeed.ic.VjbHYDbvLM 640x360xDSC09174.jpg.pagespeed.ic.-cYPax4Y4m Gudoomiye_xigeenka_Gobolka_Mudug_Axmed_Muse_Nuur-450x342

 

Puntlandes.com

About The Author