Yusuf Indha Cade oo ka digay in dib loo soo celiyo Isbaaro

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ku soo caanbaxay Isbaaro u tiilay Gobolka Dhabeelaha Hoose iyo Baracin iyo Xasuuq maato ayaa wuxuu eedeymo u jeediyay maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. Yuusuf indha Cadde oo dib u jaleecaya Isbaaradii waayo waayo uu lahaan jiray ayaa waxaa u muuqatay in Isbaaro xeeladaysan ay Xildhibaanada DFS u dhigteen dawladnimo ku soo dabaalidii Soomaaliya.
105
Yuusuf indha Cadde waxa uu tilmaamay in Baarlamaanka DFS uu xiligaani u tafaxeydanaayo in ay Somalia Isbaaro u dhigtaan.

Isagoo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Aniga ma qabo in xiligaani la carqaladeeyo hanaanka Siyaasada Somalia, waxaan arkaa in Xildhibaanada badankooda ay wadaan is hortaag ay ku sameynayaan dhismaha Golaha Wasiirada waa inay u naxaan dalka oo ay u hogaansamaan qaranimada”

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray “Cumar Cabdirashiid waxa uu qaaday tallaabo wanaagsan, balse cilada waxa ay ka dhextaagan tahay Baarlamaanka waayo uma jilicsana inay ansixiyaan wasiirada, waxan ugu baaqi lahaa inay ka hor leexdaan Xukuumada si dalka looga saaro dhibaatada”

Isku soo duuboo Yuusuf indha Cadde ayey u cuntami wayday maadama uusan isagu iminka lahayn Isbaaro in Baarlamaanka DFS ay dhigtaan Isbaaro.

Puntlandes.com

About The Author