Sawirro: 16 Kun Arday oo u fariisatay imtixaanada shahaadiga ah ee Puntland

18 May 2019 (Puntlandes) Puntland ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday imtixaanada Shahaadiga ee Fasalada sideedaad iyo 12aad ee dugsiyada dhexe iyo Sar ee Puntland.

Ku dhawaad 16000 arday (15800) oo ka kala socday 106 Iskuul oo ku kala yaal dhammaan degaamada Puntalnd ayaa imtixaanka oo muddo shan maalmood socon doono u fariistay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyeen Masuuliyiinta Wasaaradda waxbarshada Puntland ayaa si rasmi ah u furay imtixaanaadka. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sharaf weyn u tahay Puntland in waqti isku mid ah uu dhammaan goboladda iyo degmooyinka Puntland uu ka bilowdo imtixaanaadka Fasalada 8aad iyo 12aad ee Shahaadiga ah.

” Waa guul ay gaartay wasaarada waxbarashada Puntland, waxay tusaale u noqonaysaa geyiga Soomaaliyeed dhamaantiis, waxaan rajaynaynaa khibradaas iyo waayo-aragnimadaas mudada dheer soo socotay inay la wadaagno maamulada xubnaha ka aha dowladda federaalka iyo dowladda federaalka in la wadaagno si loo maamulo imtixaanaadka” ayuu yiri madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni.

Wuxuu kula dardaarmay hawlwadeenada iyo kormeerayaasha imtixaanaadka inay la yimaadaan foojignaan iyo firfircooni dheeraad ah inta uu socdo imtixaanku. Waxaa kaloo uu amar ku siiyay dhammaan masuuliyiinta degmooyinka iyo ciidamada amnigu inay qayb ka qaataan sugida amniga iyo ilaalinta goobaha imtixaanaadka lagu qaadayo.


Puntlandes.com

About The Author