Sawirro: Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland lagu daah furay Gaallkacyo

18 May 2019 (Puntlandes) Furintaankii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland, Wasiir Kuxigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Puntland ayaa ka daah furay imtixaanka xarunta dugsiga Sare Cumar Samatar iyo Salaama.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha kala ah Gudoomiyaha Gobbalka Mudug, Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Mudug iyo gudoomiyaha degmada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey goobaha imtixaanku ka socdo, sidoo kale wasiirka ayaa booqday Zamzam iyo Saabiriin oo imtixaanka ku kala galayey Guri iyo Isbitaalka.


Puntlandes.com

About The Author