Sawirro: Qalabkii lagu dhisayey dekedda Garacd oo soo gaaray Garowe (muuqaalo)

19 May 2019 (Puntlandes) Qalabkii ugu dambeeyey ee lagu dhisayo Dakada Garacad oo dhawaan laga soo dajiyay Dakada Bosaso ayaa waxa uu soo gaaray magalada Garewe ayadoo loo sii gubin doono magaalada Garaacad ee laga dhisayo dekadda.

Halkaan ka daawo qalabkii ka soo bxaya Bosaso

 

waana mashruucii ugu waynaa uguna horeeyey ee isku tashi ah looga hirgeliyo qaaradda Afrika.

Dekedda Garacad ayaa waxay ganacsato ku dhisayaan si iskutashi ah.

Dakada Garacad ayaa waxaa ku soo xiran doona Maraakiibta xambaara Konteenarada, waxaana jirtay baahi wayn oo loo qabay in la helo adeegaas.

Dekadda Garacad ayaa ah dekaddii ugu horeysay ee Soomaaliya laga dhiso si isku tashi ah, taas oo ah wax aan looga baran Soomaaliya iska daaye guud ahaan Afrika.

Daawo Maxamuud Qorane, guddoomiye kuxigeenka shirkadda Wadaagsin ee dhismaha dekedda Garacad oo fahfaahiyay dhismaha dekadda Garacad.

 

ISKU TASHIGA KA HANO QAADAY LABADA DHAN EE GOBOLKA MUDUG PUNTLAND/GALMUDUG

Soomaalidu waa dad firfircoon, laakiin waxay la’yihiin hogaamiyayaal siyaasadeed/dhaqaale oo ku hogaamiya wadada saxda ah.

Iyadoo guud ahaan dadka Soomaaliyeed kartida iyo hal-abuurka ay ka siman yihiin, ayaa hadana dadka reer Muduga ah waxay Soomaalida dheer yihiin inta Geelu Ariga ka dheer yahay, waxaana taas kuu caddaynaysa Mashaariicda sida iskutashiga ah ku socota labada dhan ee gobolka Mudug ee ka kal tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Tusaale ahaan mashaariicda iskutashiga ee labada dhan ee gobolka Mudug:

1-Dhismaha Dekedda Garacad
2-Wadada Garacad iyo Galdagob oo 280km
3- Wadada Laamiga ah ee dhexmarta Galakacyo
4- Wadada Laamiga ah ee dhexmarta Bursaalax
5-Dhismaha Jaamacadda PUSTA
6-Wadada Hobyo iyo Gaalkacyo 280km
7-Cisbitaalka guud ee Gaalkacyo oo lacag badan ku baxayso
8-Garoonka Kubadda cagta ee Cawaale
9-iyo qaar kale oo badan

Ma jiro gobol kale oo Soomaaliyeed oo ay ka socdaan Mashaariic isku tashi oo dadwaynuhu hindiseen fulinayana.

Daawo sawirrada qalabkii oo soo gaaray Garowe



Puntlandes.com

About The Author