Daawo Video: Duqa Degmada Gaalkacyo oo shacabka marin habaabinaya!

Gaalkaco (Pes) Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Dagmada Galkacyo ahna Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Guuled (Nugaal) oo safar mudo dheer qaatay uga maqnaa Xafiiskiisa ayaa maantay dib ugu soo laabtay magaalada gaalkacyo isagooka soo degay Garoonka diyaarahada Cabdulahi Yusuf  Axmad.

Duqa Dagmada Galkacyo ayaa wuxuu isku dayey in uu qiil u sameeyo ka maqnaashihiisa uu ka maqnaa Xafiiskii loo doortay mudada aadka u dheerna uu ka maqnaa markaas ayuu wuxuu sheegay in uu ”safar shaqo” uu ugu maqnaa Kenya oo uu uga qeyb galay kulan Looga hadlayay barnaamijka JBLG oo dagmooyinka loogu qeybinayay qarshaadka Sanadkan 2015-ka. Isagoo sheegay in Galkacyo ay sanadkan Ka heshay Barnaamijka JBLG lacag dhan 300,000 doolar oo lagu qabanayo Hirgalinta wadooyinka Galkacyo ,Tababarada Maamulka iyo hirgalinta Xafiisyo . Safar kale ayuu ku sheegay Mr Nugaal in uu ku gaaray dalka Itoopiya oo uu kaga qeyb galay Waxbarasho …

Ugu dambayn ayuu Mr Nugaal sheegay in uu safar kale oo ”shaqo” ku gaaray dalka Waxaa mudan in la iswaydiiyo maxaa k arun ah waxa uu sheegay Mr Nugaal? Maxaase runta ka fogeeyey? 300,000 doolar maxay goysaa oo lagu qaban karaa? ….Hirgalinta wadooyinka Galkacyo, tababarada Maamulka Magaalada iyo hirgalinta Xafiisyo dawlada ee magaalada?

Shacabka Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo ayaa waxaa ku habsaday Dhibaatooyin aad iyo aad u baaxad wayn iyadoo uu Gobolka uu aafeeyey Dilkii, Barakicintii, Xarigii, Bililiqaysigii, Caburintii iyo Cagajuglayntii uu ku hayey Hogaamiyihii Kacaanka AUN Maxamed Siyaad Barre oo Gobolka la dagay muddo 21 sano ah. Hadana kama soo kabane waxaa 1991 diiba markii dawladii Siyaad Barre dhacday ku Habsaday Koox dhiigmiirato ah oo uu Hogaamiyo Gaadayare kuwaasoo u diiday inay ka hanaqaado wax dawladnimo iyo Horumar ah  ilaa iyo iminkana kamaba jirto oo iyagaa xukuma!!!

Daawo Videoga

Puntlandes.com

About The Author