Zakariye Isticmaar “Dowlada hoose ee Bosaaso ma waxey nagu daawanayan qashinka magaalada buuxa”?

Sakariye Maxamed Isticmaar oo ah Muwaadinta Reer Punntland kuna caan baxay in uu u ololeeyo arimaha Horumarinta Bulshada Puntland ayaa magaalda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxa uu ka bilaabay isaga iyo dad kalo oo is xil qaamay  olol la doonayo in kor loogu qaado Bilicda iyo Quruxda Xeebta Boosaaso.Qadka Telefoonka ayaan caawa kula xiriirnay isagoo ku sugan Dalka Imaaradka Caraba ayaa waxaan wax ka weydiinayay arimo fara badan oo la xiriira Howshaasi ay bilaabeen iyo halka ay xiligaan wax u marayaan.Zakariye Isticmaar, ayaa sheegay in howshaasi ay ku bilaabeen si is xilqaan ah oo iskaa wax u qabso ah balse waxa uu sheegay in aysan ilaa iyo haatan aysan  wax gacan ah ka helin Dowlada Hoose ee Magaalada Boosaao oo iyadu mas’uul ka eheed nadiifinta Magaalada

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Dowlada iyo Dhamaan Shacabka Reer Puntland in ay u istaagan horumarka deegaanada Puntland si loo helo dhul nadiif ah , Xeebta Boosaaso ne ay noqoto meel loo soo dalxiis tago.

 

Puntlandes.com

About The Author