DHAGEYSO: Ismacil Diiriye”Hadii Allaha u naxariistee Siyad Barre qabriga laga soo saari lahaa waxa uu wadanka ka garan lahaa Puntland”

Aqoonyahan Ismaaciil Aadan Diiriye oo ah Mas’uul hore oo ka tirsan Dowlada Puntland ayaa waxaa lagu waraystay Barnaamij gaar ah oo looga  hadlayay  Xanibaadii ay Dowlada Puntland ku soo rogtay 5 Warbaahinta iyo Xarigii Garowe loogu geystay Tifaaftirihii Shabakada Shacabka Media iyo guud ahaan siyaasada Xiligaan ay ku shaqeyso Dowlada Puntland.

Aqoonyahan Ismaaciil Aadan Diiriye, ayaa marka hore waxa uu si aad ah u dhaliilay Xanibadii lagu soo rogay Warbaahinta taasi oo lagu sheegay in wabseedyo dhowr ah oo reer Puntland ah in hawada laga saaro, wuxuuna talaabadaasi ku tilmaamay in ay tahay mid Aan wax wanaag ah u sameynin Horumarka iyo Dumuqraadiyada Puntland.

Agaasimihii hore ee Hay’adaha Dareeylka Bulshada Puntland ayaa xukuumada Gaas uu hogaamiyo waxa uu kaga digay in ay la mid noqoto kuwa qaabka kaligii talisnimada xooga ugu heyso Dalal badan oo ku yaal qaarada Afrika hadii ay siyaasada haatan ay ku socota aysan wax ka badalin in ay keeni karto jawaab ay ka helaan shacabka Reer Puntland.

Wuxuu uu Ismaaciil Sheegay in hadii ay yihiin dhamaan Bulshada Puntland in ay xaq u leeyihiin ka hadal wixii ay u arkaan in ay habacsanaan ku keeni karaan horumarka Deegaanada iyo Dowlada Puntland.

Barnaamijkaan oo dha mid heer oo aad u xiiso Badan Waxaa Soo diyaariyay Cabdiqani Cali Dalmar Halkan Hoos ka dhageyso.

Puntlandes

About The Author