Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga

29 May 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

C/xakiin Xasan Ashkir oo ahaa Wasiiru dowlihii wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa muddo sanad ah aheyd Safiir la’aan, iyadoo safiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle loo magacaabay Xil Wasiir, balse bil ka hor iska casilay Xilka Wasiirnimo.

Magacaabida Madaxweyne Farmaajo ee Safiirka Sacuudiga Soomaaliya ayaa ku soo aaday, ka hor inta aanu Madaxweyne Farmaajo u ambabixin dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu uga qeyb galayo shir degdeg ah oo Boqorka Sacuudiga isugu yeeray Madaxda Carabta.

Puntlandes.com

About The Author