Ciidamada Kenya oo Xabsiga u taxaabay Dr Bursaliid

06 June 2019 (Puntlandes) Ciidamada dalka Kenya ayaa xalay xiray aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid, saqdii dhexe ayey gurigiisa kala baxeen.

Dr Bursaliid ayaa caan ka ahaa warbaahinta Soomaalida isagoo fallanqeyn jiray siyaasadda gobolka iyo Soomaalida. Waxa uu sidoo kale macallin ka ahaan jiray jaamacadda Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay dhowaan diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaali ah oo dalkeeda ay ka mamnuucday. Lama oga in xarigan uu taas qeyb ka yahay iyo in kale.

Puntlandes.com

About The Author