Wararkii ugu dambeeyay Olole Mooshin ah oo laga wado Guddoomiye C/weli Muudey

07 June 2019 (Puntlandes) Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxay guux ku aadan olole Mooshin ah oo laga wado Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey, iyadoo ololahan uu haaatan ku socdo si hoose.

Warar kala duwan oo aan ka helnay Ilo wareedyo lagau kalsoonaan karo oo isugu jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa sheegaya in guuxan uu soo bilowday tan iyo markii Baarlamaanka la horkeenay sharciga doorashooyinka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inuu maalmahanba jiray guuxa mooshinka, hase ahaatee aan si rasmi ah loo ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay, marka loo eego abaabulkiisa oo aan hada u muuqan mid xowli ku socda, balse laga yaabo marka uu Baarlamaanka ka soo laabto fasaxa Ciida inuu soo shaac baxo.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Guddoomiye C/weli Muudey uu aad uga soo horjeedo Sharciga Doorashooyinka oo hada horyaala Baarlamaanka, kaasoo qorshaha Madaxtooyada iyo Xukuumadda wadato uu yahay in doorashada Madaxweynaha ay noqoto mid ay doortaan dadweynaha, halkii ay horay Xildhibaanada u dooran jireen.

Xildhibaano ku dhow Madaxtooyada ayaa la sheegay inay hormuud u yihiin Mooshinka la doonayo in laga keeno Guddoomiye Muudey oo loo arko inuu caqabad ku yahay sharciga doorashooyinka, ayna jireen kala aragti duwanaan isaga iyo Madaxweynaha oo ku saabsanaa sharciga doorashooyinka ee bishii hore ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Guddoomiye C/weli Muudey ayaa xilligan ku maqan dalka Turkiga, iyadoo la rumeysan yahay inuu xilligan awood ku leeyahay Baarlamaanka, waxaana la xusuustaa doorkii uu ku lahaa ridistii Guddoomiye Jawaari.

Lama oga sida uu ku suura geli doono ololahan ka dhanka ah Guddoomiye Muudey, iyadoo mooshin laga keeno ay u baahnaan doonto saddex meel hal meel oo ah 91 Xildhibaan tirada uu ku gudbi karo Mooshinkan.

Puntlandes.com

About The Author