Alshabaab oo la wareegay deegaanka Af-urur gobolka Bari

Filed under: Wararka maanta |

08 June 2019 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaadka Alshabaab ay saaka la wareegeen degaankaas.

La wareegida ayaa timid kadib markii ay halkaasi maalmo ka hor isaga baxeen cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladdaPuntland oo saldhig ciidanku lahaa.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in aan wax dagaal ah ka dhicin deegaankaas maadaama ciidamadii halkaasi ay ka soo baxeen islamarkaana saldhiga tuuladaasi uu cidlo ahaa wakhtiga Alshabaab yimaadeen.

Sidoo kale waxay sheegeen in malayshiyaadkaka Alshabaab oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa Hoobiyaha loo yaqaan ay subaxnimadii hore ee saaka soo galeen saldhigii ciidamada Daraawiishta Puntland ee degaankaasi Af-urur.

Ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen kooxaha Alshabaab ee qabsaday degaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Puntlandes.com