Madaxda dawlad goboleedyada dalka oo shir ku yeelana Nairobi & go’aan ay u gudbin doonaan

10 June 2019 (Puntlandes) Madaxda dawlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa d hawaan shir ku yeelanaya magaalada Nairobi, iyagoo la kulmi doona Wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug ayaa shir isugu imaanaya, iyagoo si wadajir ah ay mowqifkooda ku aadan xaalada Soomaaliya u gudbiyaan Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa iminka ku sugan magaalada Nairobi, halka la filayo inay gaaraan waqtiyada soo socdo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka imaan doona Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb uu maanta ama berri ka tagi doono.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii u horeysay markii sanad ka hor uu ka baxay Golihii Iskaashiga dawlad goboleedyada wuxuu ku biiri doonaa shirarka Madaxda dawlad Goboleedyada.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxda Maamul goboleedyada ay ka dalban doonaa Wakiilada Beedha Caalamka in la sameeyo qorshe Road Map ah oo dalka lagu gaarsiiyo sanadka 2020, sidoo kale waxay taageeri doonaan qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib todobaad la fadhiyay magaalada Garowe.

Puntlandes.com

About The Author