Xaggee ku dambeeyey Maamulkii Prof galayr?

Prof Cali Khaliif Galayr ayaa waxaa Cadaada iyo Bilcilka Saaxdheer loogu doortay madaxweynaha Khaatumo 14 kii agoosto 2014: 28 ka Agoosto 2014 ayaa waxaa Prof Galayr lagu Caleema saaray Toga Ergo,an dhexdiisa. Bilowgii okt 2014 waxa uu Prof Galayr Toga Ergo:an dhexdiisa ku magacaabay dawlad ka kooban 34 wasiir iyadoo ay 32 xildhibaana ay jireen.

Ujeedooyinkii dadka degaanku u doorteen Prof Galayr waxay ahayd:

  1.  Xoraynta dhulka Somaliland ay Xooga ku haysato.
  2. Iskuxirka shacabka SSC
  3. Horumarinta SSC

53

Dhulkii ay Somaliland haysatay dhul kale ayey ku darsatay iska daa in la xoreeyee. Shacabkii SSC waa sii kala fogaadeen in uu Prof Galayr isku keeno daaye. Horumarna warsiisba daa.

In badan ayuu ku celcelyey Prof Galayr in uu doonayo in uu wadahadal la galo Somaliland uuna diiday in uu wadahadal la galo Puntland. Soomaalidaa waxay tiraahdaa meel lagaa jecel yahay hadaad ka tagto meel lagaa neceb yahay ayaa tagtaa”” Markay Somalialnd u juuqi wayday ayuu hada wuxuu baroogsinka dhigtay Xamar. Hada ogow waa Xamar tuu waxaad ogayd ka sheegayey??

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaa ilaa iyo hada ka degi la sababta ku keliftay Prof Galayr oo aqoon iyo waayo aragnimo dawladeed leh in uu isku caano Shubo madaxweynaha Khaatumo ee Toga Ergo:an? Waxay dadka qaarkiis rajo xumo ka muujinayaan xal laga gaaro arimaha murugsan ee Soomaaliya iyagoo tusaale u soo qaata Prof Galayr!

Puntlandes.com

About The Author