AKHRISO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA PUNTLAND OO KU FASHILMAY SHAQADIISA

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa ku fashilmay xilkii uu u dhiibtay madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

FASHILAADA KOOWAAD EE DHABANCAD

Wasiirka ayaa shaqadii u horaysay ee qabto waxay ahayd inuu si kooxaysi iyo musuqmaasuq ah, oo sharciga baal marsan ku keenay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali.

Dhabancad ayaa si uu u soo saaro Saahid waxa uu iska tuuray Sharcigii lagu maamuli jiray degmooyinka Puntland ee L nr 7, kaas oo qeexaya inay beeluhu si toos ah usoo xushaan xildhibaanada golaha Deegaanka haddii ay doorasho dhici wayso.

Dhabancad ayaa keensaday inay beel walba soo gudbiso ugu yaraan 3 musharax ama ka badan kursigiiba, kadibna uu isagu ka xulan doono xubintii u codayn lahayd musharixiisa.

Wasiirka ayaa sidaas boobka ah ugu keenay Saahid 23 cod oo kamid ah 31 qof ee kamidka ah golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.

Qodob 1aad: Wuxuu been ka sheegay dhaartii uu ku dhaartay isagoo ku dhaartay inuu dhawrayo Shuruucda dalka, sharcigii u horeeyey oo uu jebiyana wuxuu noqday L. nr 7.

Qodobka 2aad: Golaha deegaanka iyo gudoomiyuhu ma haystaan matalaad sharci ah maadaama aysan dadkoodu soo dooran waana in la kala diiraa, sida ugu dhaqsaha badan.

Degmada Gaalkacyo waxay noqotay degmada kaliya oo sharci daro lagu tijaabiyo, loona dhiso maamul ka baxsan xaydaabka dawladnimada Puntland oo aan sharci ahan.

 

FASHILAADA LABAAD EE DHABANCAD

Wasiirka ayaa wuxuu madaxweynaha dawladda Puntland oo aaminsan taladiisa, si hoosena ugu xilsaaray maamul wanaajinta gobolka, ayaa xilalka gobolka u magacaabay ama kula taliyey madaxweynaha shaqsiyaad uu dantiisa ka dhex arkay oo uu gacansaar la leeyahay horayna loo soo tijaabiyey isagoo aan muraad ka lahayn in gobolku hagaago.

Dhabancad wali wuxuu ku rafanayaa gobolka oo madaxweyne Deni uu u magacaabay gudoomiyaha Gudiga Dibu habaynta Hay’adaha Dowlada ee Gobolka Mudug, isagoo ku hawlan fashilinta shaqadii socotay iyo inuu keensado shaqsiyaad uu xulufo hoose la yahay kuwa kalena meesha uga saaro.

Waxgarad ka tirsan gobolka oo codsaday in aanaan faafin magaciisa oo aanu ka waraysanay shaqada uu Dhabancad gobolka ka wado ayaa wuxuu noo sheegay inay wal-wal xoogan ka qabaan inuu gobolka ka bilaabo dagaal sokeeye ama inuu gobolka gacanta Puntland ka saaro oo uu gacanta u galo kooxaha xagjirka ah.

Waxgaradkaas ayaa kusii daray inuu Dhabancad horay uga mid ahaa rag abaabulay Odoyaalna u diray koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe iyagoo heshiis la soo galay urur xagjir ah, si ay gacanta Puntland uga saaraan gobolka, isagoo ku xumaynayey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, hadana uu ka shaqaynayo sidii uu ku fulin lahaa heshiiskaas.

Dr Yasiin Jaamac Faarax (Dr Balbalaarshe)

 

Puntlandes.com

About The Author