Madaxweynaha Puntland oo la filayo inuu todobaadyada soo socda magacaabo Agaasimayaal cusub iyo ,

18 June 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la filayaa in uu todobaadyada soo socda sii dhammaystiro, isbeddelka dhanka maamulka ah ee hay’adaha dowladda, kaasi oo uu waday tan iyo markii uu soo  dhisay xukuumaddiisa.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in madaxweyne Deni uu magacaabi doono agaasimayaal guud iyo agaasime waaxeedyo, isagoo qaarna ka bedeli doona wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee ay iminka ka hawlgalaan.

Madaxweynaha ayaa soo gabo gabeeyey soo jeedintii iyo la tashigii uu la lahaa Kooxda garwadeenka ka ah dawladdiisa ee Aaran Jaan, iyagoo soo xulay wasaarado badan oo muhiim ah.

 

Puntlandes.com

About The Author